Ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM oo ku dagaalamay meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda gaar ahaan Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo muddo badan qaatay ayaa si gaar ah ugu dhacay goob lagu baaro gawaarida gasha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa xiligaas wadada u xirnayd, waxayna Ciidamada AMISOM u sheegen in wadada ay xiran tahay, isla markaana amar lagu siiyay inaan la furi karin.

Ciidamada NISA ayaa kuwa AMISOM ku amray inay dib u laabtaan, maadaama wadada ay xirnayd, waxaana ka dhago fureystay amarkaas AMISOM.

Intaa kadib waxaa bilawday iska hor imaadka ciidamada  Nabad sugidda iyo AMISOM oo ka dhashay khasaaro kala duwan.

Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana sidoo kale ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah oo wadada maraayay.

Askariga iyo labada qof ee halkaasi lagu dilay ayaa maydkooda waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Xilliga iska hor imaadka uu dhacaayay ayaa waxa ay aheyd xalay fiidkii waqtigaasi oo Magaalada ay ka jirtay xaalad amni iyo baqdin, kadib qaraxyadii dhacay.

Dhinaca kale, Hay’adaha amniga dowlada ayaan weli ka hadal daandaansiga ay ciidamada AMISOM ku sameeyen ciidamada NISA ee joogay barta koontarool ee ku dhow Isgoyska KM4.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com