Xaalka dhaqaale ee maamulka G/Banaadir oo sii xumaanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay hore u sheegtay Caasimada Online, maamulka gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaalo la’aan xoog leh taasi oo saameyn weyn ku yeelataay mushaarka shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar. 

Bishii la soo dhaafay ee May ayaa la sheegay in ilaa hadda aysan mushaarkooda helin shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in aysan muuqan rajo lagu bixin karo mushaarka sababo la xariira dhaqaalo la’aan heysata maamulka. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu wado dadaalo la xariira in uu isku dayo in waxyar waxyar lacagta gobalka soo gasha laga siiyo shaqaalaha, taasoo keeni karta in todobaadyo kale ay mushaar la’aan sii ahaadaan qaar ka mid ah shaqaalaha gobalka maadaama aan halmar la wada siin karin. 

Hadal heyn xoog leh ayaa ka dhax jirta shaqaalaha waxayna is weydiinayaan sida uu xaalku noqon karo haddii aysan helin xuquuqda ka maqan iyo sida ay ku sii socon karto shaqada dowladda Hoose. 

Si guud dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa dhaqaalo la’aan taasoo ka dhalatay muddo korarsigii iyo murankii doorashada Soomaaliya iyadoo lacagta gobalka ay noqotay mida kaliya oo ay ku tashato dowladda dhexe iyo canshurta gaadiidka Bajaajta iyo canshuuro kalaba oo hakad ku yimid kadib markii ay shaqada joojisay shirkadii gobalka kala shaqeyn jirtay qaadista Canshuurta. 

Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo gala dhaqaale ku filan mushaharka shaqaalaheeda oo sidoo kalena lagu hormarin karo gobolka, hase yeeshee lacagtaas ayaa waxaa qaata dowladda federaalka ayada oo lagu biilo, xildhibaano, wasiiro iyo shaqaale aan gobolka u dhalan oo ka kala yimid gobollada kale ee dalka.