Ciidamada Puntland oo hub iyo qaraxyo ku qabtay Bari

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, gaar ahaan saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay howl-galladaasi ku qabteen saanad hub ah, qaraxyo iyo aalado laga sameeyo walxaha qarxa.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in ciidamadu ay cagta mariyeen saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bar,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska.

Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee Bari ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.