Xaalka magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qori saban ah iyo mid dhashiike ah in la isku garaaco bartamaha Isgoyska shacabka badan ee Siinaay ee magaalada Muqdisho laguma qeexi karo isku dhac ciidan ee waa u bareerida xasuuq shacab ayay leeyihiin dadweynaha.

Geerida ku dhawaad sideeda ruux ayaa halkaas laga soo wariyay. Weli waxaa taagan dooda ah dhiig baxa Muqdisho yaa masuul ka ah.

Doraad laba dhalinyaro ah ayaa lagu dilay xaafada Taleex ee degmada Hodan. Shalay wiil bajaajle ah ayaa lagu toogtay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay toogteen ciidan dowladeed oo galbinayay qof madax ah.

Magaalada sidan u dhiig-baxeysa ayaa bixisa canshuurta ugu badan ee ay ku shaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muqdisho shacab ahaan weli ma bareerin, tacadiyadu waa sii socdaa. Waxgaradkii iyo aqoon-yahankii indhaha ayay ka eeganayaan dhibaatada, qaarna dano aan badneyn oo ay dowladda ku qabaan ayaa ka indha tiray dhiig-baxa caasimada.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa farriin nuxur beel ah oo dadka sii rejo tirtay waxa uu kaga jawaabay dhacdadii habeen hore ee isgoyska Siinaay ee shacabka lagu laayay.

Iyada oo dilalka iyo dhibaatooyinka ka socda magaalada Muqdisho ay xoogeysteen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa dibad-bax dhigay dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta.

Inkasta oo mudaharaadkooda caro ku yimid, haddana sadex arrimood ayay siyaabo kala duwan usoo hadal qaadeen intii uu banaanbaxa socday.

Mid waa sababta ay canshuurta u bixiyaan haddii aanay nabad ku mari karin waddooyinka magaalada Muqdisho. Midna waa sababta loo dili la’yahay kuwa dila bajaajlayaasha.

Midda saddexaadna waxay aheyd weydiin la xiriirta dalka ma ka tagtaan mise inaga ayaa hubka qaadana oo is-difaacna.