Xildhibaan ka tirsan BF oo si yaab leh u qeexay qofka Soomaali noqonaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa soo saaray qormo kooban oo ciwaan uu kaga dhigay “Qof kasto oo Soomaali ah, ma ahan muwaadin dalkaan u dhashay.”

Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ka soo jeeda deegaanada Somaliland, hadalkiisaan ayaa daba socda hindise sharciyeedka ‘Aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha’ oo xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyeen.

Xildhibaan Haaruun ayaa qaba in qof kasta oo Soomaali ah uusan aheyn muwaadin, isagoo sababeynaya doodiisa, waxaa xusid mudan in xildhibaankaan uu ka soo jeedo Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya.

“Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwangalinta dadwaynaha, waxaa wali dhiman xeerka jinsiyadda oo isna aad muhiim ugu ah dalkaan Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in aan qof kasta oo Soomaali ah uusan ahayn muwaadin dalkaan u dhashay, Soomaali waa la wada yahay dalkaan-se waa la kala leeyahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Haaruun.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan sii ahaan karin dan-guud oo Soomaali oo dhan ka wada dhaxeysa, maadaama qadiyadda Soomaaliweyn aysan hadda suurtagal aheyn.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ku doodaya in dadka Soomaaliyeed ee ku maqan wadamada deriska la ah Soomaaliya aan loo aqoonsaneyn dad la gumeysto oo xoog lagu heysto.

“Qadiyada shanta Soomaaliyeed xiligan maaha mid nool oo suurtogal ah, Soomaalida ku nool dalalka dariska nala ah, uma aqoonsanin kuwo gumaysi ku hoos jira ee waxaan u aqoonsanahay muwaadiniin wadamadooda ku nool oo wax la leh,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Maxamed Haaruun oo ku fadhiya kursiga HOP208 ayaa ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi oo maamulka Somaliland uu 30 sano ka hor ku dhawaaqay in laga jaray Soomaaliya oo dal madax-banaan ay yihiin.