Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay hub iyo saanad ciidan oo uu kasoo dejiyay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareynkanka ayaa Talaadadii hub iyo saanad ciidan ku wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo loogu tala-galay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab.

Deeqdan dhanka millateri ee Mareykanka ayaa ka koobneyda lixdan iyo kow tan oo AK-47 ah, qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo rasaas. Waxaa magaalada Muqdisho kasoo dejiyay laba diyaaradood oo ah nooca C-17 ee ciidamada Cirka Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Tim Trinkle oo hubka iyo saanada ciidan ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxa uu shaaciyay in deeqdan ay ka dhigan mudnaanta sare ee iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Aad ayaa ugu han-weynahay in aan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo sahcabka Soomaaliyeed ku garab istaagno dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Saanadan waxaa la siin doona ciidamada Danab oo kamid ah xoogagga geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,” ayuu yiri Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trinkle.

Hubka iyo agabka kale ee millateri ee Mareykanka uu soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa ah mid calaamadeysan oo la diiwaan-geliyay, iyada oo la raacayo siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliye ee maareynta hubka iyo rasaata.

Arrintan ayaa looga dan leeyahay in lagu xisaabtamo, islamarkaana lagu xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada iyo hubka kale ee lagu qabto furimaha dagaalka, maadaama ay jiraan tuhuno ku qotoma qaabka uu hubka u gaaro kooxda dagaalka lagula jira.

Sidoo kale, Golaha Amaanka ee QM ayaa la siiyay ogeysiis gaar ah oo la xiriira arrintaan, iyada oo lasii marayo xafiiska iskaashiga amniga ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaasi oo korjoogteyn ku leh sugida hubka.

Deeqdan millateri ee Mareykanka uu ku wareejiyay dowladda federaalka ayaa waxaa loogu tala-galay dardar-gelinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo socda qeybo badan oo dalka ah.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii uu sidan oo kale Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u soo gaarsiiyay hub ay ugu tala-galeen isla ciidanka Danab, oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda dalka.