Taliska booliska iyo maamulka gobolka oo tallaabo qaaday kadib dilalkii carada dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimada.

Dilalka ay geysanayaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, taasi oo ay ugu dambeysay dil uu shalay askari ka tirsan dowladda uu ka geystay Isgoyska Jubba, kaasi oo uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Generaal Sulub iyo guddoomiye Madaale ayaa sheegay in cadaallada la horgeyn doono askartii dilalka u geystay wadayaasha Mooto Bajaajta, ee caasimada dalka sida bareerka ah ugu dilay shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu shaaciyay inay wadaan qorshe wax looga qabanayo arrintaan, islamarkaana ay isbadal weyn ku sameyn doonaan ciidamada ka howl-galayaa gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxa uu intaas ku daray in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay wax ka bedeleen qaabkii ay ciidamada uga hawlgalayaan goobahaasi, islamarkaana ay barrahaasi u kordhiyeen saraakiil waaya-arag ah, si ay u korjoogteeyaan buu yiri ciidanka jooga goobahaasi ee amniga sugaya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa isaguna sheegay in aan loo dulqaadan karin cabashada shacabka ee taagan maalin kasta, wuxuuna uga digay ciidamada dowladda dilalka noocaan ah.

“Ciidanka waxaan leeyahay haku deg-degin inaad wax dishaan, uma dulqaadan karno cabshada shacab ee maalin kasta taagan, kuwii dhibka geystay maxkamad ayaa soo saari doonaa.”

Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya uu darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Goobta uu dilkan ka dhacay ayaa waxa ka dhacay banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsana dilka loo gyestay darawal kamid ah.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada.