Cabsi weyn oo lasoo daristay kooxaha Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay cabsi xoogan ay lasoo daristay kooxaha magaalada Muqdisho ku iibiya maandooriyaha iyo ciyaal-weerada oo iyagu dil iyo dhac ka geysta magaalada.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii kooxda Al-Shabaab ay beesgi ku billowday kooxahaan oo muddooyinkii dambe dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa afartii habeen ee lasoo dhaafay sheegtay inay duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho ku dishay rag ay sheegeen inay ka ganacsanayeen daroogada noocyadeeda kala duwan, oo uu ku jiray mid kamid ah ganacsatada ugu waaweyn ee dhalinta Muqdisho ka gadi jirtay daroogada.

Dilalka ugu badan ayaa dhacay saacadihii lasoo dhaafay, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegatay in kooxo ciyaal weero ah ay ku soo afjartay degmooyin ay ugu horeeyaan Yaaqshiid iyo Heliwaa, ugu yaraan 7 qof oo Shabaab ay ku sheegeen ciyaal weero iyo cabtoy ayaa la dilay xalay.

Ragga la dilay ayaa qaarkood waxay kooxdu ku beegsatay goobaha ay ku iibinayeen maandooriyaha, taasi oo keentay in cabsi darteed loo xiro goobo ku yaalla magaalada oo qaarkood lagu iibin jiray maandooriyaha, halka kuwa qaarna la sheegay inay sameysteen ilaalo hubeysan.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaysa in waalidiinta dhalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxaha ciyaal-weerada ay haatan bilaabeen inay goobaha dhaqan-celinta geeyaan caruurtooda, halka qaar kalena la sheegay inay kala qaxeen xaafadihii lagu yaqaanay.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu ku dhawaaqay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Laba habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ah oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, halka ugu yaraan laba kale lagu dhaawacay halkaas, waxayna kooxdu sheegtay in dhalinyaradaasi ay iibanayeen maandooriye.

Waxaa kasi horreeyay dil kale oo ay Al-Shabaabka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxaha ciyaal-weerada markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.