Xaaska Robert Mugabe oo baxsatay iyo afganbiga Zimbabwe oo weli socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan mucaaradka Zimbabwe ayaa wargeysyada u sheegay in xaaska Madaxweynihii Zimbabwe Grace Mugabe ay ka baxsatay dalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in Grace Mugabe ay sacado un ka hor xiliga kacdoonka u dhooftay dalka Namibia oo ay ka heshay magan galyo Siyaasadeed.

Waxa ay tilmaameen in Grace Mugabe ay ka daran tahay Madaxweynaha dalkaasi oo isna ku jira Xabsi guri, waxa ayna sabab ka dhigeen inay aheyd shaqsiyada maskaxda u aheyd Mugabe.

Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada.

Warbaahinta Zimbabwe qaarkood ayaa qoraaya in afganbi uu ku socdo dalka Zimbabwe, isla markaana ciidamo mucaarad ah ay isku go’doomiyeen qasriga Zimbabwe.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo.

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com