Xafiiska Farmaajo oo diiday in xisaab-xir lagu sameeyo xilli la la’yahay malaayiin dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in madaxweyne Farmaajo diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018.

Warbixinta hanti-dhowrka ayaa lagu yiri “Xafiiska Madaxweynaha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.”

Sida uu sheegay hanti-dhowraha, xafiiska madaxweynaha ayaa laga doonayey inuu xisaabaadkii sanadkii 2018 soo gudbiyo ugu dambeyn bishii April ee 2019, muddo iminka laga joogo lix bilood.

Ma cadda sababta xafiiska madaxweynaha usoo gudbin waayey xisaabaadka sanadkii 2018, hase yeeshee waxaa muuqata in ay jiraan waxyaabo badan oo la qarinayo inay shacabku ogaadaan.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska madaxweynaha inuusan sharciga racain.

“Xafiiska Madaxweynaha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee xafiiska madaxweynaha waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).”

Lacago badan oo ka baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baxay meel aan ahayn halkii loogu talo-galay.

“Xafiiska madaxweynaha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. Ma jirin wax caddeymo ah in xafiiska madaxweynaha uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.” Ayaa lagu yiri warbixinta.

Go’aanka xafiiska madaxweynaha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego.

Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa.

Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com