Wasiiradii uu FARMAAJO u diray Deni oo shaaciyey wixii ay lasoo kulmeen + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo kolkii horaba ay baxeen.

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayay Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa ku wellinayay socdaalka uu ku tagay Boosaaso Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xubnahaan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo u wakiishay in ay dhameeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo ay ku matalaan dowladda dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta qaranka markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay Boosaaso kulan qaatay in ka badan 8 saacadood ay kulayeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda ugu sareysa maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxda maamulka Puntland ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, isagoo sheegay in ay balamo hor dhac ah ka soo yeesheen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkaas, inkasta oo uusan shaacin wasiirku qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Sidoo kale intii ay socdeen kulamadaas ayaa waxa uu sheegay wasiir Cawad in madaxweyne Dani ay isla soo hadal qaadeen arrimaha maamulka Jubbaland oo isna khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay in Puntland ay u sheegeen in dowladda federaalka ay mowqifkeedii ka taagantahay siyaasadeeda ku aadan Jubbaland oo aysan marnaba aqoonsa doonin doorashadii ka dhacday, isagoo sheegay in hoggaanka Puntland ay arinta Jubbaland ku kala aragti duwanaadeen.

Wasiir Cawad sooma ban dhigin heshiis rasmi ah oo ay lasoo gaareen madaxda Puntland, sidoo kale soo ma ban dhigin kulamadoodii kadib waxa iska badalay mowqifka Puntland ee ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo iyo guud ahaan arimaha siyaasadeed ee maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com