Xafiiska KHEYRE oo laga bilaabay olole xoogan oo ku aadan mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada baarlamanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ay ku adkeysanayaan sii socoshada mooshinka ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa laga bilaabay barnaamijyo lagu taageerayo madaxweynaha.

Maalintii shalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo taageero loogu muujinayay madaxweynaha Soomaaliya, balse qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee la doonayay inay arimahaasi difaacaan ayaa diiday inay hadlaan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa odayaal dhaqameed iyo xubnaha taageersan xukuumadda ka joojiyay inay la hadlaan warbaahinta qaar ee magaalada Muqdisho oo mucaarad ku ah xukuumadda.

Taa badalkeeda waxaa odayaasha lagu amrayay inay la hadlaan xarumaha warbaahineed ee dhaqaalaha laga siiyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, iyadoo ay kasoo muuqdeen Idaacadaha iyo Tv-yada Qaar.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan xitaa lagu qasbay inay warbaahinta la hadlaan iyaga oo taageero u muujinaya madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga abaabulaa xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Nabadoono ka qeyb galay kulan shalay ka dhacay Hotel SYL ayaa sheegay inaysan la hadli karin warbaahinta qaar, balse waxay xaqiijiyeen in abaabulka barnaamijka uu ka yimid dhanka xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com