Xaflad aroos oo ka socotay magaalada Muqdisho oo isku bedeshay meel murugo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu guda jira jawi farxadeed oo aroos ah, islamarkaana Caruuska iyo Caruusadda ay ku sugan yihiin guri ku yaallo Xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho, ayaa jawigii arooska wuxuu isku bedelay xaalad murugo ah, kadib markii dhismihii uu soo dumay xalay.

Dhismaha guriga dumay, ayaa wuxuu ahaay guri qadiimi ah oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse dad shacab danyar ah ay deegaansadeen.

Suus Raagge Cadow oo eedo u ah wiilka arooska ayaa sheegtay iyadoo xaaladda ay tahay jawi farxadeed mar kaliya uu soo dumay guriga, waxaana ay sheegtay sababta guriga uu u soo dumay inay tahay, kadib markii reerka gabadha durbaano ay ku dul ciyaareen dhismaha dabaqa, taasi oo sabab u noqotay inuu soo dumo guriga.

“Wiil aan eedo u ahay ayaa gabar gurigaan keensaday, kadib aroos ayaa halkaan loogu dhigay cidda gabadha oo durbaano watay ayaa guriga ku ciyaaraayay, bood boodkii durbaanada ayaa sabab u noqday inuu dumo guriga ana reerkeena wax yar yar ayaa soo gaaray, balse cidda gabadha ayeey u badnaayeen dadka dhaawacyada soo gaareen illaa 22 ruux dad gaaraya oo arooska & aroosadda ay ku jiraan ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen.” Ayey tiri Suus Raagge.

Dadkii dhaawacyada ay soo gaareen ayaa dhismaha dumay, waxaa looga soo saaray jaraanjaro, kadib markii dadka Xaafadda gurmadkaasi ay sameeyeen.

Guryaha qaar ee ku yaallo Muqdisho oo dhismahooda ay qadiimi yihiin, ayaa xilliyada qaar dadka waxa ay kala kulmaan dhibaato adag oo ka soo gaarta, kadib markii ay ku soo dumaan guryaha ay ku nool yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com