Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faafaahin dheeraad ah ka baxaysaa khasaaraha ka dhashay iska horimaad xooggan oo ka dhacay Xaafadda Saban Saban ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dayniile.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haayo Muran dhul ku yaalla Xaafadda Saban Saban, waxaana la maqlay rasaas xoogan oo ay isku fureen Dablayda hubay ciidanka amaanka Deyniile.

Ciidanka Booliska degmada Dayniile oo hoggaaminayay Xoghayaha degmada Mahad Shilaawe ayaa goobta ku baxay, waxaana la sheegay in  Mahad uu dhaawac kasoo gaaray Iska horimaadka dhex maray Dablayda hubaysan iyo Ciidanka Amaanka Deyniile.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay jiraan Khasaare soo kala gaaray labada Maleeshiyaad balse aysan Xaqiiji karin dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Muran ku saabsan dhul ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ka taagnaa degmada Dayniile gaar ahaan Xaafadda Saban Saban, waxaana halkaasi kuwa sugan Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com