Xaflad lagu dabaal-degayey madaxweynaha cusub oo lagu qabtay Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Xaflad lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay lagu qabtay Magaalada De Heeg ee waddanka Netherland. 

Xafladdan, oo  qabsoomideeda ay iska kaashadeen Guddi uu horkacayay agaasimaha hay’adda nabadoon [Yahye Foundation] Cali yaxye & Dalladda isutagga ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen  safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka la isku yiraa Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, madax ka socotay jaaliyadaha Soomaalida oo uu horkacayay Guddoomiyihii hore ee dalladda FSAN Dr. Cali Waare, C/qaadir Cali [Nuune] oo ka tirsan Guddiga FSAN ahna Guddoomiyaha Jaaliyadaha Zwolle & nawaaxigeeda, fanaaniin, aqoonyahanno & marti sharaf aad u tiro badan. 

Xafladdan, waxaa xiriiriye ka ahaa Cali yaxye, waxaana ugu horreeyn abaalmarin sharfeed lagu guddoonsiiyay marwo Ruqiyo Caddoow  oo abaalmarintaasi ku muteysatay doorkeeda ka shaqeynta masaaliixda & danaha mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan NL, iyada oo abaalmarintaasi uu guddoonsiiyay Ruqiyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis. 

Guddoomiyihii hore FSAN Dr. Cali Waare oo xafladda ka hadlay, wuxuu hambalyo, duco & talo u diray Madaxweynaha cusub. 

“Maadaama codad aqlabiyad leh ay ku doorteen Madaxweynaha cusub xildhibaanada 2da aqal ee shacabka metalaayay, waxaa na looga baahan yahay annaga oo dhan inaan ka qeybqaadano geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya” Ayuu yiri Dr. Cali Waare oo ku tilmaamay  xilka ugu sareeya ee dalka inuu yahay mid qori-isku dhiib ah. 

“Madaxweynaha la doortay waxaan leenahay jaaliyadda Soomaalida waa kuu soo hambalyeyneysaa iyada oo isku duubban, waxaad ogtahay in jaaliyada Holland ay xasuus gaar ah kuu leedahay maadaama aad aheyd madaxweynihii ugu horreeyay ee dacwadda badda keenay Holland” Ayuu yiri Cali Waare, oo intaasi raaciyay in ummadda Soomaaliyeed ay haraad u qabto cadaalad & amni. 

C/qaadir Cali [Nuune] oo ka tirsan guddiga FSAN, laf-dhabar-na u ahaa qabsoomida xafladda, ayaa kelmado koobban oo uu munaasabada ka jeediyay u hambalyeeyay Madaxweyne Xassan Sheekh. 

“Anigoo ku hadlaya magaca dalladda FSAN waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub Xassan Sheekh Maxamuud, waxaanna u rajeynayaa in mas’uuliyada cusub uu ALLE ku asturo” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale uu bogaadinayo Madaxweynihii hore Max’ed Cabdullaahi [Farmaajo] oo agaasimay xaflad  qurux badan xilligii uu xil-wareejinta sameynayay.  

“Annaga oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Netherland waxaan la kulanay safiirka Netherland u fadhiya Soomaaliya, waxaan ka codsanay in arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha in ay wax ka qabtaan” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo dhowaan ku soo biiray guddiga dalladda, wuxuuna balanqaaday in  dalladdu ay wax weyn ka qaban doonto intii karaankeeda ah horumarka bulshada Soomaalida.  

Abwaanad Marwo Jawaahir Axmed oo caan ku ah curinta suugaanta, gaar ahaan  buraanburka ayaa madasha ka tirisay buraanbur dadkii madasha fadhiyay aad u qiira geliyay. 

Zahra Siyaad Naaleeye, oo ka tirsan howl-wadeenada dalladda FSAN oo madasha ka hadashay waxay dhinaceeda hambalyo u dirtay Madaxweyne Xassan Sheekh. 

“Soomaali heshiis ah, duniddana heshiis la ah waa halku dhig taariikhda u gashay Madaxweyne Xassan Sheekh ALLAHA ku garab qalo” Ayeey tiri Zahra Naaleeye. 

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladda wuxuu ku tilmaamay Madaxweynaha cusub inuu astaan u yahay horumarka & dimuqoraadiyadda. 

“328 xildhibaan oo  metalaya shacabka Soomaaliyeed ayuu wuxuu ka helay madaxweynaheena cusub 214 taasi waxay siineysaa madaxweynaheena aqlabiyad weyn oo uu “mandate” ku haysto” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay Madaxweyne Xassan inuu astaan u yahay horumar & dimuqoraadiyad. 

“Madaxweyne Xassan Sheekh waxaad ku xasuusataan inuu ahaa hogaamiyihii dhidibada u taagay  dhismaha labada Dowlad goboleed [Galmudug & Hirshabele] oo qaati laga taagan yahay wuxuu ahaa shaqsigii dhismahooda ku guuleystay” Ayuu yiri Danjire Yoonis. 

Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Baadil, Leylo Cumar Dhuule, Weeroow & kuwa kale ayaa heeso waddani ah ku soo bandhigay xafladda, waxeyna xafladaasi ku soo idlaatay si qurux badan. 

XAFLAD LAGU SOO DHOWEYNAYAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA OO LAGU QABTAY NETHERLAND – YouTube