Xagee ayaa Soomaaliya loo wadaa – Dimuqraadiyad aan xisbiyo siyaasadeed lahayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kan Hay’adda Sirdoonka, iyo midka Korontada Qaranka ee uu meelmariyay Baarlamaanka Federaalka ayaa carabka ku dhuftay in dowladiisu tillaab kastoo ay qaadayso ku salayn doonto sharciga iyo qaanuunka, xilli mucaaradka walaac ka muujiyey muddo kororsi sharcidarra ah oo uu baarlamaanka ku hawlan yahay.

Shaki kuma jiro in nidaam dowladeed oo shaqaynaaya uu Soomaaliya u yahay lama huraan, balse waxba kuma turna haddii shuruucda loo qaabeyo hab-dhaqan dimuqraadi-diid ah amaseba loo adeegsado in lagu caburiyo cid kastoo ka aragti duwan kooxda talada dalka haysa.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee laba xilhayn isku maray waxaa laga filayey inuu la yimaad dibuhabayn, si loo helo hab-dhaqan siyaasadeed ka duwan kii ka horeeyay. Waxaase yaab noqotay in la kala diro guddiyadii madaxabannaan ee “Doorashooyinka Qaranka, La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Xuduudaha iyo Federaalka, iwm., iyadoo wax kaloo lagu beddelay la hayn.

In hay’addo qaran oo madaxbannaan lalaalo waxay astaan cad u tahay in laga sii fogaanayo doorasho “Qof iyo Cod ah”. Sidoo kale, muddo kordhin uu anfacsado “hogganka fulinta iyo goleyaasha”  hadda jira waxuu ka horimaanayaa “Dastuurka Midowga Afrika,” waxuuna dhaawac ku yahay kalsoonidii shacabka siiyay isbahaysigii “badbaado qaran”.

Guuxa dadweynaha ee aan la qarin karin ayaa ah in, xildhibaan “xul qabiil” saldanad ku helay uusan badanaa lahayn qiyam asluubeed (moral values) oo uu ku daafaco amaseba gaarhaye uga noqdo geeddi-socodka siyaasadda dimuqraadiga ah ee dalka hiigsanayay.

Ka mamnuucida dadweynaha kulamadda “cabashada siyaasadda” xitaa haddii laga yaabo in lagu dhaleeceynayo hoggaanka talada-haysa ma aha dimuqraadiyad. Ummadda badan ayaa hore isugu dayay in “xakamayn siyaasadeed” ku hagaan dareenka shacabka, balse kuma guulaysan.

Si meesha looga saaro fowda ku tartanka siyaasadeed ee carqaladeynaya in tirada ugu badan muwaadiniinta codbixin uga qaybgalaan siyaasadda, waxaa lagama maarmaan ah in si dhaqso leh loo dhaqangeliyo shuruucda xisbiyo siyaasadeedka. Dalalka kheyraad dabiici leh ee haddana saboolka ah waxay ka siman yihiin cillado ay ka mid yihiin: dimuqraadiyad aan shaqeynayn, sharciga oo aan la dhowrayn, xuquuqda aadanaha oo lagu xadgudbo, iyo quursiga tala soo jeedinta muwaadiniinta.

Si sahlan laguma gaari karo dimuqraadiyadda xisbiyada hoggaamiyaan inta gobollada qaarkood ay saynta uga taagan yihiin qabyatirka Dastuurka. Waxaase lama huraan ah in la bilaabo geeddi-socodka looga dhex xulanayo uruurada is-diiwaangeliyay, xisbiyo muuqaal qaran leh oo dhab ah leh. Taas uunbaa looga hortagi karaa khatarta xisbi qabiileedyo dadka kala qoqoba, iyo kuwo nuxur tira dimuqraadiyadda.

Nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyadu hoggaamiyaan waxuu ku dhisan yahay in muwaadinku siyaasadda uga qaybgalo doorashada wakiilo ku metela goleyaasha baarlamaanka qaranka amase kuwa degaanka. Doodda leh goleyaasha dastuurka ee “xulashada qabiilka” ku yimid ha looga dambeeyo siyaasadda macquul ma aha inta laga helin doono xisbiyo isku soo uruuriya inta isku argtida siyaasadeed leh.

Jihada saxda ah ee dalku ku heli karo bulsho bisil oo u hoggaansan asluub anshaxeed waa in muwaadinka awood loo siiyo inuu dalka gudihiisa iyo dibaddisaba kaga qaybgeli karo doodaha siyaasadda qaranka. Xisbiyada siyaasadda waa halbowlaha isla xisaabtanka dimuqraadiyadda waxayna doodda siyaasadda ku soo biiriyaan aragtiyo ku tartama danta guud ee qaranka. Weliba, waxay gacan ka gaystaan dood wax ku ool ah iyo isu tanaasul