Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu usoo dhammaaday safar baaris caafimaad ah oo uu u aaday dalka Jarmalka Arbacadii lasoo dhaafay.
Xasan Sheekh Maxamuud waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Maxamuud Tifoow oo ah Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya 5-cisho uu joogay dalka Jarmalka, arimaha uu u tagay Jarmalkana ay tahay xaalado caafimaad.
Madaxweynaha ayaa intii uu dalkaasi ku sugnaa isku sameeyay baaritaan caafimaad, maadaama uu horay u sheegay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay uusan sameynin baaritaan dhanka caafimaadka ah oo naftiisa ku saabsan.
Danjire Maxamuud Tifoow, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya intii uu dalka Jarmalka ku sugnaa uu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dalkaasi oo uu kala hadlay arimaha dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa markii Garoonka lagu soo dhaweeyay, kadib waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweynaha Soomaaliya galay dagaal siyaasadeedkii uu meesha kaga saaray Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed Maxamed, Madaxweynaha ayaa dareemay daal badan oo dhanka maskaxda ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

