Xagee laga leeyahay shiradaha ugu waaweyn ee hubka sameeya?

Waxaan maqalnaa in badan dowlad hebla oo intaas oo bilyan hub kaga iibsanayso dowlad heblo, waxaan aragnaa ama maqalnaa boqolaal qof oo maalin walba u dhinto isticmaalka hub, sidoo kale waxaan maqalnaa dowlado badan oo sheeganayo inay aduunka nabad la rabaan, hadafkooda ugu danbeeyana yahay in la helo dadka adduunka ku nool oo si nabad ah isu garab dagan.

Inta badan hadalada nabad-doonnimada ah waxaan ka maqalnaa dowlaha ugu badan oo aan maqalno iyagoo hub iibinayo ama soo iibsanayo. Sanadkaan dhexdiisa ayay ahayd marki aan arkaynay Sacuudiga oo shirkad Maraykan ah 15 bilyan oo doolar kaga iibsanayo nidaamka difaaca ee loo yaqaan THAAT. Hadaba si aan u fahanno in adduunka nabad lala doonayo iyo in kale waa inaan eegnaa cidda hubka soo saarto iyo faaiidada ay ku qabaan. Hoos ka akhri tobanka shirkadood ee ugu horayso aduunka xagga hub samaynta.

1:  Lockheed Martin (Maraykan). Shirakadaan waxay ku taal gobalka Maryland ee Maraykanka. Waxay u samaysaa diyaaradaha dagaalka, radeerada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo waliba qaybo ka mid ah dayax-gacameedyada ciidamada Maraykanka iyo kuwa dalalka kale ee lacagta haysto. Waxaa ugu caansan waxa ay samayso miiga F-16 iyo diyaaradda xamuulka ee Hercules. Shirkadaan sanadki 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 36 bilyan oo doolar, waxayna faaiido heshay 3.6 bilyan. Shirkadaan ayaa lagu qiimeeyay inay joogto 91 bilyan oo doolar.

2: Boeing (Maraykan). Shirakadaan iyaduna waxaa leh Maraykan. Waxay caan ku tahay soo saaridda diyaaradaha waaweyn ee rakaabka. Balse sidoo kale waxay samaysaa hub culus, 29% ayuu hubku ka yahay ganacsigeeda guud. Hubka ay samayso waxaa ka mid ah miigaga F-15, F-18 iyo F-22. 2015ki waxay samaysay hub qiimihiisu dhanyahay 28 bilyan oo doolar waxayna faaiido ka heshay 5.2 bilyan

3: BAE Systems (Ingiriis). Shirakadaan waxaa laga leeyahay Ingriiska waxaana ka shaqeeyo dad gaarayo 82 kunoo qof. Waxay soo saartaa agab militari oo ay ka mid yihiin diyaaradaha sida ba’an wax u duqeeya ee loo yaqaan Tornado, taankiyada Challenger iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 26 bilyan doolar.

4: Raytheon (Maraykan). Tanina waa Maraykan waxayna si gooni u soo saartaa gantaalada cul-culus, nidaamyada ay ku shaqeeyaan diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka. 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 22 bilyan oo doolar.

5: Northrop Grumman (Maraykan). Waxaa saldhig u ah gobalka Farjiiniya waxayna soo saartaa diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn, raadeerada iyo qaybaha diyaaradaha (aircraft components). 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 20 bilyan oo doolar.

6: General Dynamics (Maraykan). Iyaduna waxay dagantahay Farjiiniya waana shirkadda samayso taangiyada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka. 2015ki waxay iibisay hub gaarayo 19 bilyan oo doolar.

7: Airbus Group (Yurub). Shirkadaan waxay dhaxaysaa midowga Yurub waxayna caan ku tahay samaynta diyaaradaha rakaabka. Balse hubka ayaa u dhigmo 18% ganacsigeeda guud. 2015ki waxay iibisay hub dhan 12.9 bilyan oo doolar.

8: United Technologies (Maraykan). Waxay ku taal gobalka Connecticut ee Maraykanka hubkuna waxaa uu u ka yahay ganacsigeeda guud 16%. Waa shirkadda soo saarto diyaaradaha quumaatiga u kaco ee Black Hawk kuwasoo aan aad u naqaan. 2015ki waxay iibisay 9.6 bilyan doolar hub gaarayo.

9: Leonardo/Finmeccanica (Talyaani). Shirkadaan waxay soo saartaa qaybaha diyaaradaha dagaalka, nidaamyada hubka (weapon systems), diyaaradaha qumaatiga u kaco iyo gawaarida gaashaaman.  2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu dhanyahay 9.3 bilyan doolar.

10: L-3 Technologies (Maraykan). Shirakadaan oo dagan magaalada New York ayaa soo saarto qalabka wax lagu jaajuuso (surveillance systems), kan isgaarsiinta malitariga iyo nidaamyada koontaroolo hubka ciidamada. Waxay iibisay 2015ki hub qiimihiisu dhanyahay 8.8 bilyan oo doolar.

Waxaa noo muuqato in 7 ka mid ah tobanka shirkadood ee iib-geeyo hubka ugu badan addunka laga leeyahay  Maraykanka. Sadexda soo hartayna laga leeyahay galbeedka Yurub. Hubkaan intiisa badan waxaa loo iib-geeyaa dibadda.

Haddii adduunku nabad noqdo oo meel uu dagaal ka socdo la waayo ama aad ay u yaraadaan dagaalada dhacayo maxay qaban doonaan shirkadahaan iyo dadka ka shaqeeyo,  dhaawac intee la eg ayaase soo gaari karo dhaqaalaha waddamada laga leeyahay shirkadahaan?

Xogtaan waxaan kasoo xigtay halkaan: http://www.aljazeera.com/news/2017/10/world-biggest-arms-companies-171007084157108.html.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/