Dagaal aad u culus oo ka dhex qarxay maleeshiyada Puntland iyo Galmudug

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ee Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya degaan lagu magacaabo Gacnafalle,halkaas oo ilaa hadda rasaasta laga maqlayo.

Dagaalka ayaa waxa uu intiisa badan ka socdaa tuulooyin hoostaga Meel qiyaastii 10KM u jirta deegaanka Gacnafalle ee Barrigga gobolka Mudug.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee dagaallamaya ayaa la sheegayaa in ay helayaan gurmad uga imanaya dhinacyada ay ka kala tirsanyihiin,iyada oo dadka degaanka ay barakac billaabeen.

Xiisada daagaalkan ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay Bariga Gobolka Mudug iyada oo Maalma ka hor ay wada dagaalameen labada Maleeshiyo beeleed.

Todobaadkan billowgiisii ayey ahayd markii ay isla goobtaas ku dagaallameen Ciidamada labada dhinac iyada oo la sheegayo in ay ku dhinteen dad ka badan 10 Qof oo labada dhinac ka kala tirsan.

Dagaalka saaka socda ayaa sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in uu geystay khasaare naf iyo maalba leh iyada oo dhaawacyada qaar la geeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo labada Maamulba ay ka wadataliyaan.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda kulamo deg deg ah oo waxgaradku uga tashanayaan sidii loo joojin lahaa colaadaasi ka soo cusboonaatay Barigga gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com