Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex-taagan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saameyn xoogan ku yeeshay qorshihii maamul usameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo khilaafka madaxda ka hor dar-dar ku socday.
Todobaadkii saddexaad ayuu galay khilaafka Madaxda dalka ugu sareysa ka dhex-taagan, ilaa hadana ma muuqato xal buuxa oo laga gaaray khilaafkaasi Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha udhaxeeya.
Xubno kamid ah Guddiga farsamada ee maamul usameynta Gobolada Mudug iyo qayb Galgaduud kamid ah oo Cadaado ku sugnaa, ayaa Magaalada Muqdisho dib ugu soo noqday, kadib markii ay arkeen in khilaafka madaxda uu saameyn ku yeeshay qorshaha maamul usameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Wariye ku sugan Magaalada Dhuuso Mareeb, ayaa soo sheegaya in xubno kamid ah Guddiga farsamada isbuucii lasoo dhaafay dhamaadkiisa ay ka kala baxeen Dhuuso Mareeb iyo Cadaado, kuwaasi oo aaday dhanka Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Muqdisho soo aaday oo muddo Gobolka Galgaduud ku sugnaa, ayaa arkay in howsha aysan hor usocod laheyn, maadaama iyadoo madaxdii ay is khilaafsan yihiin aysan suuragal aheyn inuu socdo dhaq-dhaqaaqa qorshaha ku aadan maamul usameynta Mudug iyo Galgaduud.
Inkastoo shirka weli uusan furmin, hadana waxaa socotay qaban qaabo ku aadan shirka maamulkaasi loogu dhisaayo oo horay loogu heshiiyay in lagu qabanaayo Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Dhamaan masuuliyiinta dowladda ayaa isha kuwada haayo khilaafka madaxda dowladda oo xitaa saameyn ku yeeshay shaqooyinkii Wasaaradaha Xukuumadda, waxa ayna taasi muujinaysa in shaqsiyaadka iskhilaafsan aysan eegin danaha umadda ay u hayaan, kaliyana ay ka fekerayaan dantooda gaarka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

