27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“C/Weli ma noqon sidii laga filayey, ee xilka ha ka dego” Sidaas waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu weli Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli maraayo heerkii ugu adkaa ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaanada kala taageersan Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli sheekh.

Xildhibaanada taageersan madaxweynaha ayaa maanta kullan qabtay, waxaana halkaas ka hadlay xildhibaanno uu ka mid yahay C/Qaadir Cosoble oo sheegay in Cabdi Weli Sheekh looga baahan yahay inuu is-casilo, kadib markii sida uu sheegay isaga iyo xukuumaddiisa ay ku fashilmeen howlihii loo igmaday.

Xildhibaan Cosoble waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si bedel uu dhaco, isagoo ku tilmaamay Xukuumada mid aan sii wadi karin Howlaha horyaala xiligaani.

“Xukuumadu ma aysan noqon sidii laga filaayay waxa ay ku fashilantay dhamaan howlihii loo igmaday, sidaa darteed waa inuu yimaada is-beddel si meesha looga saaro waxqabad la’aanta xukuumada hadda jirta”.

Xildhibaan C/Qaadir Cosoble, waxa uu sidoo kale daaha ka rogay inuusan jirin Mooshin loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka oo fashilmay, balse ay jiraan u jeedooyin lagu raadinaayo xal waara oo laga gaaro Khilaafka, hadii taasi la waayana lagu kala bixi doono sharciga.

Dhanka kale, Xildhibaanada kasoo horjeeda Ra’isul wasaare C/Weli oo uu kamid yahay Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan in codka kalsoonida kala laabtaan Xukuumada hadii mooshinka la horkeeno Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News