Xaguu ku dhamaan doonaa dagaalka cusub ee ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mowjad labaad oo siyaasadeed ayaa ka bilaatay Soomaaliya, oo muddooyinkii ugu dambeysay u muuqatay mid soo hagaageysa, kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay khilaafkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa xalay Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ka gaabiyay hoggaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u igmaday 1-dii bishii May ee sanadkan, wuxuuna ku baaqay shir wadatashi, oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, taa oo sida muuqata dhaawici doonta doorashada markii horeba uu gaabiska (muranka) hareeyay.

Rooble ayaa isla maanta u jawaabay, wuxuuna qoraalka Farmaajo ku qeexay mid si ku talo-gal ah uu madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka doorashada dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Khilaafkoodan ayaa la fahamsan yahay inuu ka dhashay, sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu bartamihii bishan kaga falceliyay khilaafka hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, oo bishii November uu ku soo baxay Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Guddiga Xalinta ayaa 15-kii December war-saxaafadeed ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaasi ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada, taasoo aysan dadku ku qancin, Ra’iisul Wasaaruhuna uu ganafka ku dhuftay.

Rooble oo ka biyo diiday qaabka ay guddiga u maareeyeen tabashada laga keenay kursigaasi ayaa 18-kii bishan waxa uu xilka ka qaaday toddobo ka mida xubnaha guddigaasi, iyadoo xil ka qaadistoodana uu ku sababeeyay inay lumiyeen madaxbannaanidii guddinimo, ayna ku milmeen siyaasadda, isagoona warsaxaafadeed  ku soo magacaabay xubnihii bedeli lahaa xubnahaasi.

War qoraal ah oo saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaarahu ka leexday dhibihii hirgelinta doorashada, isaga oo kala dhantaalay baa warka lagu yiri wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka, kuna xadgudbay madaxbannaanidooda shaqo.

Haddaba sidee khilaafkan u saamayn karaa hannaanka geeddi-socodka ee doorashada?

Maxamed Cabdi Cumar oo barre ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa qaba in khilaafka ka dhashay is bedelka lagu sameeyay xubnaha ka midka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Heer Federaal ay caqabad ku noqon doonto doorashadii la fillayay in dalka ka qabsoomto.

“Is riix-riixu wuu sii badan doonnaa, dhibaatadana waxay u muuqataa in maalin walba albaab cusub oo mushkiladihiisa wata in la sii furayo.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar.

Waxa kaloo uu yiri “Way muuqataa in arrintan ay dib u dhac kale ku keeni doonto doorashada. Guddiga markii la sameynayay, maysan soo sameynin kooxo qaab siyaasadeed la isla fahamsan yahay heshiis ku ah, maxaa yeelay inta badan guddigu hal dhinac ayuu ka yimid oo aragti hal dhinac ah ayaa jirtay, fara-gelina mar walba inay jirto waa la iska dareemayay, waana la arkayay. Mar walba oo carqalad ay timaado, mar walba oo fara-gelin lagu sameeyo ama mar walba madaxbannaanida ay madaxbannaan yihiin ay yar tahay oo saamayn xagga siyaasadda ah ay jirto, waa mar walba oo wax fashilmaan oo lees qabqabsado, dibna ay u dhacdo.”

Maxamed Cabdi ayaa muujiyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo inuu wax ka qabto amaba uu xal u helo tabashada Midowga Musharaxiinta, haddana aanu ka xalin karin dhinaca Villa Somalia.

“Nimanka mucaaradka ah waxyaabo badan ayay tabanayaan, laakiin dhibaatada taagan waxay tahay Ra’iisul Wasaaruhu gacantiisa kuma jirto, wuxuu ku xalin lahaa barnaamijka ay tabanayaan. Haddiiba uu ka ballanqaado tabashadooda inuu xalin doono, way ku adkaaneysaa inuu fuliyo waxyaabaha ay mucaaradku doonayaan, maxaa yeelay wax Ra’iisul Wasaaraha keligiis gacanta ugu jiro ma’aha,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo BBC la hadlay.

Doorashadan ayaa noqonayso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, marka aad eegto sida ay foosha ugu dheeratay iyo sida aan daacadda looga ahayn in laga fooliyo.

Dadka odoroso siyaasadda dalka waxay ka digayaan in khilaafka u dhaxeeya labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, ay dalka dib ugu celin karto waqtigii adkaa ee sida adag looga soo gudbay, maadaama ay fahamsan yihiin fara-gelinta joogtada ah ee ka imaaneysa xafiiska Madaxweynaha.

Waxay sidoo kale u badan tahay in dagaalka markan uu ku dhammaado in Farmaajo ama Rooble uu midkood baxo, oo aanu dhici doonin heshiis dambe.