Wasiirka Amniga oo amray in uusan dalka ka bixi karin taliyaha ciidamada badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Badda uu qorsheenayo inuu dalka ka baxo maadaama loo heysto xadgudub uu kula kacay madaxda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Cabdullaahi ayaa sheegay in Taliyaha ciidamada Badda loo haysto hanti ay leeyihiin dad shacab ah, islamarkaana loo hayo caddeymo ku filan uuna diiday inuu soo wareejiyo.

Amarka kasoo baxay wasiirka Amniga ayaa kusoo aadayo xilli guddi loo saaray inay baaraan hadalkii dhawaan uu sheegay taliyaha Ciidamada Badda ay go’aamiyeen inuu ahaa hadal sharaf dhac ku ah madaxda qaranka, islamarkaana ay ku baaqeen in xilka laga qaado.

Si kastaba, guddigaas ayaa inuu shaaciyo natiijada baaritaanka waxaa ka hor-istaagay taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneral Odawaa Yuusuf Raage oo Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale, warqadda kasoo baxday wasiirka Amniga ayaa kusoo aadeyso xilli uu khilaaf culus soo kala dhex galay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Halkaan hoose ka akhriso amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii