Shir xasaasi ah oo u socda Rooble iyo beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo dhanka fogaan araga ah (Zoom-ka) ayaa hadda u socda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka, kaasi oo looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka markale ka dhex qarxay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen illo ku dhow-dhow Beesha Caalamka waxay saaxiibada Soomaaliya xilligan isku dayeysaa in shirka uu hore u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka u qabsoomo si deg deg ah.

Sidoo kale waxa uu imanayaan shirkaan ayada oo xubnaha Beesha Caalamka ay xiriiro ay la sameeyen Madaxda dowlad goboleedyada kana dalbadeen in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran uu si dhakhso leh ku qabsoomo, ayna yimaadan magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa goor sii horeysay shaaciyey in uu diyaar u yahay inuu ka qeyb-galo shirka uu hore ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana uu bilaabo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa wada abaabulka shir lagu wiiqayo middka uu hore u iclaamiyay Rooble, kaasi oo uu ku sheegay mid lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, ayna kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Farmaajo oo hore u wareejiyay hogaanka arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka ayaa marar badan isku dayay in uu awoodaas dib u soo ceshado, ayada oo qoraalkiisi u dambeeyay uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku carqaladeynayo doorashooyinka dalka, uuna isku dayayo in awoodaas uu ku soo ceshado.

Beesha Caalamka ayaa dadaal badan ku bixisay in doorashooyinka ka bilowdaan dalka, waxayna xilligaan rabtaa in khilaafka Rooble iyo Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan geedi socodka doorashooyinka, islamarkaana si dhaqso ah loo saxo qaladaadka ka jira doorashada, si saamileyda siyaasiyadda ugu wada qancaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii