Lafta-gareen oo si cad ula saftay Farmaajo kana horyimid shirka uu ku baaqay Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofunfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa si cad ula saftay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay dagaal siyaasadeed cusub uu kala dhaxeeyo ra’iisul wasaare Rooble.

Laftagareen ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan ka qeybgeli doonin shirka uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse y diyaar u yihin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed

KGS kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha”

Baydhabo, 26ka Diseembar 2021: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.