Jubaland iyo Puntland oo la saftay R/Wasaare Rooble

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa noqotay tii labaad kadib Puntland ee si rasmi ah u taageerta ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo shirka uu ku baaqay ee arrimaha doorashada.

Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.”

“Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.”

Goor sii horeysay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay kaloo cadeynaysaa inay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Go’aanka Jubaland iyo Puntland ayaa jawaab u ah abaabulka Farmaajo ee shirka lagu wiiqayo middka uu hore u iclaamiyay Rooble, kaasi oo uu ku sheegay mid lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, ayna kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Farmaajo oo hore u wareejiyay hogaanka arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka ayaa marar badan isku dayay in uu awoodaas dib u soo ceshado, ayada oo qoraalkiisi u dambeeyay uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku carqaladeynayo doorashooyinka dalka, uuna isku dayayo in awoodaas uu ku soo ceshado.

Si kastaba, Shirka uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu wax badan ka bedeli doona jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaasi oo ka dhashay hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaana dib u sixid lagu sameyn doono qaladaadka jira, si doorashooyinka u noqdaan kuwa daah-furan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii