Xasan: “Qoraalkii Farmaajo wuxuu ahaa mid waali ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta la hadlay kadib kulan ay yeesheen Midowga Mushariaxiinta ayaa sheegay in caqabada ugu wayn ee doorasho in ay dalka ka dhacdo hortaagan ay tahay madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qoraalkii xalay uu soo saaray Farmaajo uu yahay mid waaali ah oo aan miirqab aheyn, islamarkaana dulqaadka dadka Soomaaliyeed ay sameynayaan uu u qaatay dayuusnimo.

“Caqabadda doorashada hortaagan oo awal diidanaa in la bilaabo markii la bilaabayna diiday inay socoto waa madaxweyaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qoraalkii xalay kasoo baxayna intaas ayuu dugsan yahay, warkaas waa diidan nahay, dan Soomaaliyeedna kuma jirto, wixii uu ku dhawaaqay waa Waali oo aan ku dheeheyn caqli iyo mas’uuliyad” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay mar hore dadka Soomaaliyeed uga digeen inay ka fiirsadaan cidda ay u dhiibanayaan xilka.

“Dulqaadka siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed in dayuusnimo loo qaato sax maahan, Farmaajo wuxuu u qaatay caqliga dadka dayuusnimo, dadka Soomaaliyeed horey ayaan uga dignay inay ka fiirsadaan cidda ay xilka u dhiibanayaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale Xasan Sheekh wuxuu sheegay in hadalkii shalay uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu daba socso kii hore oo uu dalka qatar ku galiyay, isaga oo ugu baaqay in dalka uusan qatar gelin, wixii dhacana uusan la wadaageen Farmaajo.

“Barlamaan sharciyad haysta majiro farmaajo shalay ayuu ku hoojiyay ee yuusan ku hoojin Mursaloow , in albaabkii furmi tagaba in lasoo oodo sax maaha ayuu yiri,” Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Xasan Sheekh dalacsiintii Madaxweyne Farmaajo taliyha Qeybta Boolisla Gobol Banaadir, wuxuuna si cad u sheegay in Sarkaal aan lagu amri karin in wixii doono uu iska sameysto.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii