Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo qaaday tallaabo xeelad ah iskuna beddelay laba wasiir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku beddelay wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumadda federaalka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

“Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Rooble

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa loo arkaa mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, ayada oo laga cabsi qabo in dalka uu galo dagaal mar kale ka dhasha damaca muddo kororsi ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhowr maalmood kahor soo saaray warqad u muuqatay mid gef ku ah ra’iisul wasaraaha kadib markii uu amray in la baaro dhul boob uu taliyaha ciidamada badda ku eedeeyey Rooble.

Xasan Xuseen ayaa mar dambe ka laabtay qoraalkaas, isaga oo sheegay inuu ula jeeday in la baaro gefka uu taliyaha u gaystay Rooble, hase yeeshee sida muuqata waxyeelada ay gaysatay warqadiisa ayuu xilka ku waayey.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii