Xalane: Shir u dhexeeya madax goboleedyada iyo beesha caalamka oo furmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la leh hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka socda xeyndaabka Xalane, iyadoo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ilo ku dhow kulanka safiirada beesha caalamka iyo shanta hoggaamiye goboleed ayaa sheegay in si gaar ah diirada loogu saarayo xal u helida muranka hareeyey doorashada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaadaya qabsoomida shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada looga arrinsanayo , sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka.

Kulankan waxaa garwadeen ka ah ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo safiiro kale.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah leeyihiin madax goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba dadaallada ka socda Muqdisho ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.