Qodobada ay isku fahmeen madaxda goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu waqtiga dheeraa, waxayna xog ay heshay Caasimada Online sheegeysaa in dhowr arrimood la isla meel dhigay.

Kulamada madaxdan oo galay maalinkoodii seddaxaad ayaa maanta diiradda lagu saaray xal u helida caqabadaha ku hor-gudban qabsoomidda shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo gogoshiisu taal teenadhada Afisyooni ee xarunta Xalane.

Sida aan xogta ku helnay waxaa kulankii maanta lagu gorfeeyey sidii looga gudbi lahaa shuruudaha ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ku xireen shirka guud ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Qodobada qaar ee ku jiray shuruuradahaas ayaa la sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay isku raaceen in laga gudbo, halka ka doodista qodobo ay ku jiraan sugidda amniga shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud ay ka hadalkooda madaxdu dib u dhigteen oo berri laga wadahadlayo.

Intii uu shirkaasi socday maanta waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi,  waxayna madaxda maamul goboleedyada u gudbiyeen tallooyin iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo muranka ka jira doorashada kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa mar kale shirkooda waxaa maanta ku soo biiray Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada-hadlay arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka ee berri iyo hadalheynta ka soo cusboonaatay mudo kororsi lagu dhaqaaqo.

Sidoo kale xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta intii ay ku sugnaayeen Xalane waxay la kulmeen Waliika Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, waxayna kala hadleen amniga doorashada iyo inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo aysan amar ka qaadan madaxweyne mudo xileedkiisu dhamaaday oo aan sharciyad heysan.

Sida maanta la qorsheeyey Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed ayaa caawa la kulmaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna u gudbinayaan wixii ay maanta isla meel dhigeen madaxda kale ee Jubbaland iyo Puntland.

Fariimaha ay sidaan madaxdaan ee Farmaajo ay la wadaagayaan caawa waxaa ugu culus mowqifka ay madaxda labadaas maamul goboleed, midowga musharaxiinta iyo xubnaha gobollada waqooyi ay ka taaganyihiin arrinta muddo kordhinta ee la hadal-haayo iyo shakiga laga qabo kulanka berri ee xildhibaanada Golaha Shacabka.