Xog: Beesha caalamka oo u digtay Mursal iyo qoraal xasaasi ah oo la filayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ay xiriirro talefoon la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xiriirradaas oo ahaa kuwo gaar-gaar ah ayey xubnaha beesha caalamku guddoomiye Mursal kala hadleen arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo cawaaqibka ka dhalan kara hadii uu qaato go’aan noocaas ah.

Sida aan xogta ku helnay, waxay uga digeen in haddii uu goluhu qaato go’aan mudo kororsi ah, faa’iidada laga dhaxlo ay noqon doonto mid wiiqda xasilloonida dalka iyo dadaaladii dowlad dhiska ee socday sanadahaan.

Xubnaha beesha caalamku waxay guddoomiye Maxamed Mursal u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee mudo xileedku ka dhamaaday, isla markaana aysan heli doonin taageerada Beesha Caalamka, sidoo kale ay si adag ula xisaabtami doonaan guddoonka golaha shacabka.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in qorshuhu yahay in saacadaha soo socda ay Beesha Caalamka war ka soo saarto shirka berri loo balansan yahay ee xildhibaanada golaha shacabka iyo shakiga laga qabo waxa dhici doona.

Beesha Caalamka ayaa si adag u diidan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday, waxayna soo saarayaan bayaan ay ku cadeynayaan mowqifkooda.