Laba xildhibaan oo Farmaajo taabacsan oo qiray tuhunkii qorshaha muddo kordhinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee taageersan madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qiray tuhunkii laga qabay guddoomiye Mursal oo ahaa inuu muddo kordhin u sameyn rabo Farmaajo.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa BBC-da u sheegtay in haddii xal lagu gaari waayo wada-hadallada doorashada in baarlamanka ay u taallo talada dalka. Hadalkan ayaa waafaqsan dooodda xildhibaanada taageerasan Farmaajo ay ugu raadinayaan muddo kordhinta oo ah in xal kale la la’yahay.

“Haddii ay wada-hadallada socda ee arrimaha doorashada heshiisyo kasoo bixi waayaan oo la isku mari waayo, baarlamaanka ayey talada u taallaa, isha keli ee furan waa baarlamanka, baarlamaanka ayaan go’aan ka gaaraya ma ahanee wax go’aan qof gaari karaa ma jirto laakiin hadda waxa aan sheegi karo ma jirto,” ayey tiri Ubax Tahliil Warsame.

Sidoo kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shaaca ka qaaday in ajandaha baarlamanka lagu soo dari karo muddo kordhin, haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan.

Hadalka Jeesow ayaa sidoo kale waafaqsan tuhunkii laga qabay kulankii shalay fashilmay ee la sheegay in COVID-19 looga hadli lahaa, balse la ogaa in lagu hoos qarin rabay mooshin muddo kordhin.

“Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa. Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado,” ayuu yiri Jeesow.

Hadallada Jeesow iyo Ubax Tahliil ayaa xaqiijinaya cabsidii laga qabay in Mursal uu ku dhaqaaqi rabo wax lagu qaaxay “is-miidaamin siyaasadeed,” oo kasii dari karta xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.