Xildhibaan kashifay magaca sarkaal ‘Al-Shabaab ahaan jirey’ oo watay ciidankii la geeyay xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay aroornimadii la geeyay xarunta baarlamaanka ciidamo badan xili ay mudaneyaashu u balansanayeen kulan, waxaana soo baxeysa in uu hogaaminayey sarkaal hore uga tirsanaan jirey Al-Shabaab, kadibna u gacan galay dowladda.

Xildhibaanada uu guddoomiye Mursal xalay shaaciyey inuu ka joojiyey kulamada baarlamaanka oo badankooda ahaa kuwa mucaaridka ayaa shaaciyey xogta sarkaalkaasi oo ay magaciisa ku sheegen ‘Shakiib’.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada laga mamnuucay kulamada golaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dhar-cadka uu dalbaday Guddoomiye Mursal.

“Ciidamada dhar-cadka ah ee la keenay baarlamaanka shalay waxaa watay nin la yiraahdo ‘SHAKIIB’ oo hore shabaab u ahaan jiray. Isagoo dagaalamaya oo dhaawac ah ayaa laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhex, kadibna waxaa loo sii gudbiyey xerada Sarendi oo lagu xiro dadka Shabaabka ah, halkaas ayaa laga soo saaray, kadibna waxaa loo qaatay ciidamada Nabadsguida,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sarkaalkaan uu hore Shabaab ugu qaabilsanaan jirey dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta lagu hayo, wuxuuna himika si toos ah uga amar qaata oo ku xiran yahay taliyaha Nabadsugida, sida uu sheegay.

“Waa markii labaad oo isaga iyo ciidamada uu wato la keenayo Golaha Shacabka, ciidamada uu wado waxaa kamid ahaa ciidamo shabaab ka yimid oo ku xareysnaa Sarendi oo bistoolado loo qeybiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Mahad Salaad.

Kulankii shalay ee la isugu yeeray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan xoogan, kadib markii xildhibaanada mucaaridka ay sheegen in ajendaha kulanka oo ahaa saameynta Covid-19 uu ku hoos qarsan yahay muddo kororsi sharci darro ah oo loo sameynayo hay’addaha dowladda.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xalay qoraal soo saaray kulamada golaha ee soo socda ka mamnuucay 15-xildhibaan oo u badan mucaarid, xili maalinta berri ah uu goluhu u balansan yahay kulankii shalay baaqday oo lagu soo kordhiyey ajande cusub oo lagu sheegay ‘cod u qaadista guddiga madax-banaan ee xaduudaha’.