Daawo: Xildhibaanadii laga mamnuucay kalfadhigga BF oo go’aan culus gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay inay soo xaadiraan kulanka xiga ee golaha shacabka ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo dhawr iyo toban ah ayaa saxaafadda kula hadlay Hotel Jaziira waxeyna ka warbixiyeen waxa ay ka yeelayaan go’aankii kasoo baxay guddoonka golaha shacabka, haddii ay xaadirayaan kalfadhiga berri loo ballamay, iyo arrimo kale oo ku saabsan ciidamadii la keenay golaha shacabka kulankii shalay guuldarada kusoo dhamaaday.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada lagaga mamnuucay iney soo xaadiraan kalfadhiyaada baarlamanka ayaa shirka jaraa’id furay wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya ujeedka ay warbaahinta ugu yeereen.

Mahad Salaad wuxuu sharraxay wixii dhexmaray koox xildhibaano ah oo uu ku jiray iyo gudoomiye Maxamed Mursal kuna saabsan ajandaha la keenay kalfadhigii shalay, sida uusan u waafaqsaneyn xeer hoosaadka baarlamaanka taasna ay ka dhalatay inuu kalfadhiga xirmo.

Intaas kadib wuxuu dul istaagay go’aanka kasoo baxay guddoonka golaha shacabka wuxuuna yiri: “Xalay mar dambe ayuu guddoomiyaha soo tuuray warqad wiifto ah isagoo leh 15 xildhibaan oo xildhibaanada ka mid ah ma imaan karaan muddo shan kulan ah kulamada golaha shacabka, go’aaka Mursal uu ku sheegay inuu xildhibaanada uga joojiyay kulamada golaha shacabka, marka koowaad ma jirto wax sharci ah oo uu u cuskaday, ma jiro xeer fasaxaya in gudoomiyaha soo saaro go’aan nuucaan oo kale ah, wuxuu meel uga dhacay xeer hoosaadka golaha shacabka, awoodda kaliya ee gudoomiyaha uu leeyahay xilliyada fadhiyada waa midda ku cad qodobka 16-aad, farqadiisa 6-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee si cad u qeexaya, hadii ay jirto fowdo ama nidaam darro gudoomiyaha wuxuu xiri karaa fadhiyada, wuxuuna ajandaha maalintaas dib ugu dhigi karaa kulanka xiga”

Mahad Salaad isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Mursal wuxuu ku xad gudbay qodobka 25-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee xadeynaya ajandaha fadhiyada golaha shacabka, guddiga joogtada ayaa diyaariyaha ajandaha fadhiyada golaha shacabka, waxaana loo qeybiyaa xildhibaanada 24-saac ka hor fadhiga loo dhan yahay, sidoo kale gudoomiye Mursal wuxuu ku tuntay qodbka 14-aad ee qeexaya inuu masuul ka yahay fulinta iyo dhawrista xeer hoosaadka iyo ilaalinta nidaamka golaha, wuxuu kaloo ku tuntay qodobka 4-aad, farqadiisa 6-aad ee xeer hoosaadka kaas oo ka mamnucaya dhismaha golaha lala soo galo hub, isagoo maleeshiyaad dharcad ah kusoo daabulay xarunta golaha oo meel walba ay joogeen.”

Mahad Salaad ayaa tafaasiil ka bixiyay hogaamiyahii ciidamadii lagu soo daadiyay xarunta golaha shacabka wuxuuna ku sheegay in loogu yeero Shakiib, sidoo kalana isagoo dhaawac ah bakaaraha laga soo qabtay kana tirsanaa Al-Shabaab.

Wuxuuna xogtiisa raaciyay in la geeyay xabsiga dhexe, loona gudbiyay xabsiga Sarandi oo lagu xiro dambiilayaasha kasoo goosta shabaab iyo kuwa la qabto iyagoo dagaalamaya, intaas kadib waxaa loo dalacsiiyay inuu ku biiro ciidamada NISA.

Ugu dambeyntii xildhibaanada waxey sheegeen iney tagi doonaan kalfadhiga berito, wixii ka dhacana uu dusha saaran doono guddoonka Baarlamaanka maadaama aysanba aaminsaneyn iney warqadda lagu sheegay ineysan kasoo qeyb gali karin aysan aheyn mid sharciga ku qotonta.

Hoos ka daawo muuqaalka