Wararkii ugu dambeeyey kulamada u socda madax maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweynaha Jaamac Deperaani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah uga warbixiyay habsami u socodka shirarka u socda madaxda dowlad goboleedyada.

Afhayeenka wuxuu sheegay in kulamada u socda madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid ku socda sida ugu wanaagsan, dhamaantoodna ay ka siman yahiin iney xal wadajir ah ugu raadinayaan in la xaliyo is mari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweynayaasha ay maanta la kulmeen gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, sidoo kalana ka wakiil ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Shirka Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa socda maalintii labaad, wuxuuna u socda si wanaagsan iyadoo Madaxdu ay wadajir xal ugu raadinayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada,” ayuu Jaamac Deperani ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Wuxuu intaas ku daray “Madaxweynayaasha ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ahna Gudd Madasha Badbaado Qaran Mudane Cabdi Xaashi iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland, Shirka Madaxweynayaasha iyo kulamada ay la qaadanayaan Masuuliyiinta waa kuwo bud-dhig u ah xal u raadinta arrimaha taagan”

Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli la hadal haayo in talaadada la isu keeni doono madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.