Xamaas oo gantaallo culus ku garaacday Tel Aviv kadib ballan ka bixii Israa’iil

Tel Aviv (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa gantaallo ku garaacday magaalada Tel Aviv, oo ah caasimadda gumeystaha Israa’iil.

Sida ay sheegtay Xamaas, tirada gantaalladu waxay gaareen illaa saddex, waana weerarkii ugu horreeyay ee ay noocan ah fuliyaan tan iyo markii Israa’iil dib u bilowday duullaankeeda millitari ee Marinka Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay qabatay mid ka mid ah gantaallada, halka kuwa kalena ay ku dhaceen dhul aan cid ku nooleyn.

Weerarka Israel iyo khasaaraha ka dhashay

Ugu yaraan 591 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo carruur ah, ayaa la dilay tan iyo markii Israa’iil dib u bilowday dagaalka maalintii Talaadada, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay sii kordheyso, xilli Israa’iil ay sii waddo duqeymaha cirka iyo dhulka ee waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa Khamiistii bilaabay howlgal dhulka ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta, iyada oo dib u dhac ku yimid dhaq-dhaqaaqii millateri ee ballaarnaa tan iyo bishii Janaayo, xilligaas oo la bilaabay xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas.

Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay weli gacanta ku hayso 59 la-hayste, kuwaas oo 24 ka mid ah la rumeysan yahay in ay dhinteen.

Xuutiyiinta oo qeyb ka ah weerarka

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa Khamiistii gantaal ballistic ah ku riday Israa’iil, iyaga oo bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, oo ku dhow Tel Aviv.

Arrintan ayaa waxaa shaaciyay afhayeenka millateriga ee kooxda Xuutiyiinta, oo ay taageerto dowladda Iran.

Xuutiyiinta ayaa tan iyo markii uu dib u billowday duullaanka Gaza, weeraro ku qaadeysay Israa’iil, oo ayadu xasuuq ba’an ka geysatay Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay haatan gaartay 49,617, halka dhaawacyaduna lagu qiyaasay 112,950.