Xamaas oo maanta weerar culus ku qaaday ISRAEL

Gaza (Caasimada Online) – Xoogagga Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza ayaa maanta ganey gantaallo aad u tiro badan oo ku wajahan Israel.

Gantaalahan ayaa la sheegay inay kallifeen in la yeeriyo dhawaqa digniinaha marka duqeymo ay jiraan, kaasi oo laga maqlay Israel oo idil. Weli si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay.

Xamaas ayaa sii wada beegsiga Israel, xilla dhinaca kale Israel ay wado duullaan ay ka sameynayso Gaza oo ay sheegtay inay dooneyso inay ku cirib-tirto Xamaas.

Dhaq-dhaqaaqa Milateriga Israel ee Gaza ayaa sii socday Isniintii, ayada oo howl-galka dhinaca dhulka iyo cirka ay ciidanka sameynayeen. Israel ayaa sheegtay inay ku dishay taliye sare oo ka tirsan Xamaas.

Taliyaha la dilay ayay magaciisa ku sheegtay Adel Mismah, kaasi oo ay sheegeen inuu gacan ka geystay hoggaaminta weerarkii 7-dii October ee 2023.

Tobonaan kun oo qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sii qulqulayay magaalada Rafax oo markii horeba ay dadku buux dhaafiyeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ka sokow dagaallada culus ee haatan ka socda Marinka Gaza, waxaa jira khilaaf xooggan oo u dhexeeya Maamulka Falastiiniyiinta iyo Israel, kaas oo ku saabsan mustaqbalka Gaza iyo cidda gacanta ku hayn doonta.

Si kastaba, Maamulka Falastiinyiinta ayaa rajaynaya inuu la wareego talada Gaza, dagaalka kadib, laakiin maamulka Israel ayaa arrintaas ku gacan sayray.