Madaxweyne DENI oo la dhacsan siday wax u socdaan oo soo saaray war cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maalmuhu u harsan yihiin ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay liiska xildhibaannada cusub ee Puntland iyo tallaabada ay maanta qaadeen.

Xildhibaannada cusub oo muran xooggan ka taagan yahay ayaa maanta la dhaariyay, iyada oo isla maanta ay doorteen guddoomiye kumeel-gaar ah.

Saciid Deni ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ugu horeyntii wuxuu tahniyadeeyay Xildhibaannada cusub, “Waxaan u hambalyeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey.”

Deni ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay tallaabada ay maanta qaadeen Xildhibaannada cusub, isaga oo u rajeeyay in si dhakhso ah u guda galaan doorashada guddoonka Golaha Wakiilada, xilli ay Mucaaradka shaki galiyeen hanaanka sharci ee lagu soo xulay xubnahaasi.

“Allah waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen, Anigoo u rajeynayaa in ay waajibaadkooda si dhakhso ah u gutaan sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtooyada. Hambalyo,” ayuu Deni ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Deni oo lagu eedeynayo in uu gadaal ka riixayo Xildhibaannada cusub oo isla maanta la dhaariyay, ayaa u muuqda mid la dhacsan sida ay wax u socdaan, xilli laga cabsi qabo in gacan ka hadal uu markale ka dhaco Garoowe.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa meel adag iska taagay Xildhibaannada cusub, iyaga oo been abuur ku tilmaamay liiska soo baxay.

Waxay sheegeen in xulista Xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajididii saxda aheyd.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan doorasho ku galayn liiska sharci-darrada ah ee soo baxay, ugana digay madaxweyne Deni in uusan maamulka u horseedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana uu isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.