Musharaxiinta Mucaaradka Puntland oo qaadacay liiska xildhibaannada cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxiinta Mucaaradka ee u taagan xilka Madaxweynimada Puntland ayaa ku dhowaaqay in aysan aqoonsaneyn liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Musharaxiinta Mucaaradka oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa waxay been abuur ku tilmaameen liiska soo baxay, iyaga oo sheegay in xulista Xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajididii saxda aheyd.

“Musharaxiinta waxay shacabka Puntland u cadeynayaan in aysan aqoonsaneyn liiska baalmarsan habraacii lagu soo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiilada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Musharaxiinta Mucaaradka Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Musharaxiinta waxay kale oo cadeynayaan in aysan doorasho ku galayn liiska sharci-darrada ah ee soo baxay.”

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa uga digay madaxweyne Deni in uusan maamulka u horseedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana uu isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.

Bayaankan deg deg ah ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray Musharaxiinta kala ah; Dr Cabdiweli Maxamed Cali, Amb Axmed Ciise Cawad, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, Xasan Shire Abgaal, Faarax Cali Shire iyo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale waxaa qeyb ka bayaankan Musharaxiinta; Maxamuud Xayir Ibraahim, Cumar Ismaaciil Waaberi, Dr Guuleed Saalax Barre, Cali Gaashaan Cali, Aadan Sheekhdoon Cali, Dr Maxamuud Maxamed Mashruuc, Cabdilladiif Muuse Nuur, Eng Maxamuud Khaliif Jabiye, Cartan Yuusuf Cismaan iyo Axmed Cabdillaahi.

Bayaanka Mucaaradka ayaa imanaya xilli goordhoweyd la dhaariyay Xildhibaannada kusoo baxay liiska uu muranka ka taagan yahay, islamarkaana ay doorteen guddoomiye KMG ah.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, taasi oo laga cabsi qabo in markale uu gacan ka hadal ka rido Garoowe, kaasi oo u dhaxeeya maamulka Deni iyo Mucaaradka.