Aadan Madoobe oo aad uga carooday arrin ay sameeyeen xildhibaannada baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday in kulamada Baarlamaanka ay u baaqdan kooram la’aan.

Waxa uu sheegay in ay ceeb ku tahay Baarlamaanka in 275 Xildhibaan laga waayo xataa 140 Mudane oo soo xaadirta kulankii maanta, uuna sidaas ku baaqday.

“Waxaa u baahan in la is weydiiyo in aan 275 Xildhibaan aan ka weyno 140 Xildhibaan runtii Baarlamaankeena ceeb ayay ku tahay. Kalfadhigan afaraad waxaa nalooga baahna shuruuc muhiim ah oo ay tahay in aan ansixino,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Waxa uu ka dalbaday Xildhibaannada maqan in soo xaadiraan kulamada Golaha Shacabka, ayna dhowraan dhaartii, “Umadii shalay dooratay oo iyaguna kitaabka Ilaahay ugu dhaarteen inay shaqeynayaan oo waajibaadkooda fushadaan oo soo xaadiraan ayaa u jeedineyna.”

Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in kulankii maanta ee Golaha Shacabka uu u baaqday kooram la’aan, isaga oo u mahad-celiyay Xildhibaannadii koobna ee soo xaadiray.

“Kooram inagoo helin lama furi karo shirka, sidaas daraadeed wuxuu shirkii maanta u baaqday kooram la’aan, aniga oo dareensanahay in Xildhibaannada magaalada ay joogaan, taas anaga ayay ceeb nagu tahay.”

Si kastaba, Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u digay Xildhibaannada iska maqan ee aan soo xaadirin kulamada, balse illaa hadda ma jirto wax kasoo naasa cadaaday digniintaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka