Daawo: Dowladda oo amar culus kasoo saartay dhulalka danta guud ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay u baahan tahay dhulalkeeda.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay qaadan doonto macallimiin gaaraya illaa 20 kun, kuwaas oo u baahan meel ay ku shaqeeyaan, ayna tahay in la banneeyo dhulkooda.

“Haddaanu nahay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare madaxweynaha ayaa mar nagu siiyay, xukuumadda ayaan ansixisay in 20 kun oo macallin la qoro muddada xukuumaddan ay joogto, hadda waxaan mareynaa 6 kun, sanadkan gudihiisana 4 kun oo kale ayaan ku kordhineynaa, i.n” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sidoo kale wasiirka ayaa dalbaday duqa Muqdisho inuu arrintaan gacan ku siiyo, si dadweynaha iyo shaqsiyaadka kale ee haysta dhulalkaas looga raro.

“Guddoomiyaha gobolka waxaan ka rabnaa dhulka waa mustaqbalkeenna inaan haba yaraatee marna aan laga gorgortamin” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen lacagihii lagu dhisi lahaa dhammaan xarumaha burbursan ee wasaaradda waxbarashada.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in wasaaradda waxbarashadaay diyaar u tahay, ayna diyaarisay qarashkii dib loogu dhisi lahaa dhammaan dugsiyada oo dhan, gobolka Banaadir ayaana ugu horeeyo” ayuu sii raaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan uu noqon doono midka waxbarashada, ayna ku dadaali doonaan horumarinteeda.

“Sanadkan 2024-ka annaga haddaa nahay dowladaha Afrika waxaan u naqaanaa inuu yahay sanadkii waxbarashada, haddaani nahay Soomaaliya waxaa u naqaanaa inuu yahay sanadkii waxbarashada” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Faarax C/qaadir.