28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xamar: Ciyaarta xiyaalka xaafadda iyo ciyaalka qurbaha (Yaa ku guuleystay wareegga kowoaad?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa magaalada Muqdisho ka scoda ciyaar siyaasadeed oo u dhaxeeysa ciyaalka xaaafadaha Xamar ee waxbartay laakin aan dhoofin iyo ciyaalka ka yimid qurbaha ee wax soo bartay. Waxaa habeen hore soo dhamaaday wareegi kowaad. Natiijada waxaa ku dhawaaqay Mudane Taabit, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaa wareegi kowaad ee ciyaarta ku guuleystay ciyaalka qurbaha.

Mr. Mahdi, oo ka mid ah ciyaalka xaafadda, ayaa ii sheegay in ay ku jiraan diyaargarow weyn isaga oo dhiiragalin ka dhiganaa xikmadaha kala ah “Ciyaaru waa gelin dambe” iyo “Geel caruuri qaaday ma dheera”. Mr. Mahdi wuxuu ii sheegay in ay ciyaalka xaafadda ay sameysteen urur la yiraahdo “Blue Shirts” ama ururka “Shaati Buluug”.

Kooxda Shaati Buluug waxay damacsan yihiin in ay maamulka Gobolka Banaadir ka soo dhigaan DFS. Magaalada Muqdisho iyo maamulkeeda waxaa gacanta u galiyay DFS lix nin oo Ambassador Mahiga maskax u ahaa. Waa howl adag in maamulka Xamar laga bixiyo gacanta DFS. Dhaqaale fiican ayaa DFS ka soo gala Xamar. Xukunka iyo xaragada DFS waxay ka socdaan Xamar. Durbaanka iyo banaanbaxyada DFS waxaa lagu tumaa oo lagu qabtaa Xamar. Muqdisho waa goobta ay ku ciyaarto DFS. Sidaas awgeed, lagama fili karo madaxda DFS in ay ogolaato in ay faraha kala baxdo maamulka gobolka Banaadir.

Guusha wareega kowaad ee ciyaalka Qurbaha waxay keeni kartaa:

  1. In Xamar magaca laga badelo oo loo bixiyo: Magaalada Federaalka Ee Soomaaliya. Magaca “Goblka Banaadir” iyo darajada “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho” waa marin habaabin. Goboladii kale (17) waa ka faa’ideen dib u habeynti siyaasadeed ee ka dhacday Soomaaliya oo waa ka baxeen gacanti ama xukunki dowladda dhexe. Maamul goboleed kamajiro Muqdisho oo waxaa gacanta ku haya DFS; Gobolada kale waxay doortaan madaxdooda.
  2. In ay Xamar ka dhalato dowlad xoog badan oo xaasid ah. Fikradda ah in madaxdu soo dhaweysato saaxiibadood (sida Damujadiid), qabiilkooda, ama kooxaysi (sida reer Suudaan, reer UK, ama reer USA) waxay keeni kartaa in dadka kale iyo ciyaalka xaafaddu colaad u qaadaan, war xun ka fidiyaan ama ishortaagaan amarka dowladda. Taasna waxay keeni kartaa in dowladdu xoog iyo xeel la timaado.
  3. In howsha kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Gobolka Banaadir (sida in dadka ku nool Muqdisho ay wakiilo ku yeeshaan BFS iyo in ay doortaan madaxda maamulka magaalada) ay isu badesho mid lid ku ah federaalka iyo jabhadeyn sal ka dhigta maamul goboleedyada ku dhow Xamar.

Waxaan sugaynaa bilowga wareega labaad ee ciyaarta ciyaalka xaafadda (Shaati Buluug) iyo ciyaalka qurbaha.

Qore: Dr. Nuune Cali Yare

- Advertisement -

Read more

Local News