XAMAR oo dib usoo faageysa dulmigii gaamuray ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya kumanaan ruux oo argagixasada gumaaday ayaa la iska aasay, iyada oo aan loo aarin, xasuus loo sameyn ama aan waxba la iska weydiinin.

Dhabahaas wuxuu argagixisada siiyay dhiiranaan ay dhib cusub ku geystaan. In dadka ay dulmiga ku leyso kooxda dib xusuustooda loo abaabulo, magacyadooda marwalba afka lagu hayo oo lagu dhiirado in munaasabado tacsi ah loo qabto, waxay dadka xasuusinaysa dulmiga iyo dhibaatada argagixisada.

Waxay dhiira-gelin u tahay inta u istaagtay inay umadda ka dulqaadan dhibaatada argagixisada, waana cadeynta in aan si fudud lagu iloobi doonin dulmigooda, iyagana waxay fahamsiineysa heerka baraaruga bulshada.

Maanta oo kale hal sano kahor 29-kii October 2022 argagixisada waxay qarax labaad la beegsatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo illaa boqol qof ku dhinteen. Dadka ay halkaas ku leysay argagixisada waxay iskugu jireen shacab saarna gaadiid marayay laamiga Soobe, dad ka yimid ama u socday masaajidka Abubakar Sadiiq ee saaran laamiga Soobe.

Qaar dadkaan kamid ah waxay ahaayeen kuwii ganacsiyada kulahaa hareeraha laamiga, waxaa kale oo ku jiray arday iyo waalidkood, kuwaas oo adeeg waxbarasho u doontay wasaaradda waxbarashada.

Argagixisada waxay ku jawaabtay markii la weydiiyay sababta ay shacabkaas u gumaadeen in dowladda celisay oo ay xabadeysay gaarigii ay qaraxa ku sideen.

Dhaqankaas ayay maalin walba ku laayan dad shacab ah. Xilliga ay qaraxa fulinayeen waxay aheyd waqti maleeshiyo badan looga laayay wejiga koowaad ee dagaalkii ka socday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaana qaraxaan lagu fasiray inay ugu aargudayeen maleeshiyadii laga laayay.

Waa caadadooda in shacabka Soomaaliyeed ka aarsadaan marwalba oo maleeshiyo laga laayo maadaama uu dagaalka u dhaxeeyo argagixisada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shuhadadii Soobe 2 waxaa maanta magacyadooda lagu qoray goobtii qaraxa si aan loo iloobin dulmigii lagu laayay, dadkana ay ugu duceeyaan marwalba oo ay halkaasi marayaan.

Shacab badan oo isugu jiray dadkii ehelkoodii lagu laayay isgoyska Soobe 29 October 2022, arday, madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya qaarkood iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-galay kulankaas loogu duceynayay laguna xusaayay dadkii argagixisada ku leysay maanta oo kale hal sano kahor isgoyska Soobe.