Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo madaxda Bangiga Ziraat Katilim? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahaSoomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay Turkiga, kaas oo shalay xaruntiisa cusub ka daah-furay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey madaxda Bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kor u qaadayso iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha kala hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayay madaxda Bangiga Ziraat Katilim, danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah. 

“Waan ku faraxsanahay inaan aragno howl-gelinta xarunta Ziraat Katilim ee Muqdisho, tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta waaxda maaliyadda Soomaaliya, taasi oo sare u qaadeysa fursadaha maalgashiga iyo horumarinta,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Si kastaba, Bangigan ayaa noqday bangigii ugu horreeyey ee caalami ah ee dalka ka howl-gala in ka badan 50 sano kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee dalka.