Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa caawa hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed la yeeshay kulan weyne lagu xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.
Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin cad ka qaataan dardargelinta difaaca dalka iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha, waxaana halkaas khudbad xasaasi ah ka jeediyey Ra’iisul Wasaare Xamza.
Inta badan khudbadiisa wuxuu caawa Xamza Cabdi Barre ku dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo si furan ula hadlay dhallinyarada, su’aalo cadna ka weydiiyey hab-dhaqanka mucaaradka xukuumadiisa.
Xamza ayaa ugu horeyn cadeeyey in dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan mucaaradka ka soo horjeeda doorashooyinka iyo dagaalka argagixisada.
Wuxuu sii tusaaleeyey sida ay mucaaradku u diidan yihiin dagaalka argagixisada, isagoo sheegay in uusan ku jirin hal siyaasi oo tegay furimaha dagaalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in uusan jirin siyaasi mucaarad ah oo maalin isbitaalka ku soo booqday askar dhaawac ah.
Siyaasi mucaarad ah oo gurmad, sahay, dhiirigelin iyo wax kasta oo taageero ah la garab istaagay ciidamada qaranka iyo shacabka hubka qaatay ee la dagaalamaya argagixisada.
“Intaas iyagoo gebay ayey hadana warbaahinta la taagan yihiin ma jirto guuto ciidan ah oo maanta dagaalami karta, maaha in waxaas ay inla soo hor istaagaan, yaa Shabaab naga celinaya hadii uusan ciidan jirin, may na qabsadaan, soo shalay Taliye Guuto iyo wiilal Soomaaliyeed oo dalkooda difaacayey furimaha dagaalka kuma dhiman?” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha ku amaanay sida uu daacad ugu yahay dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in tiro ka badan lix jeer la isku dayey in la dilo, “waxaan joognaa wadan in ka badan lix jeer Madaxweynihiisa la weeraray si loo dilo, dunida meel ay taasi ka dhacday bal ii sheega?” Ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Hoos ka daawo muuqaalka