Yinchuan (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Shiinaha ayaa khudbad ka jeediyay Bandhigga 7-aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, isaga oo soo bandhigay fursadaha muhiimka ah ee ka jira dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa madasha ka sheegay in Sooomaaliya ay dooneyso in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” ayuu yiri Xamza.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.
Xamza ayaa kahor shirkan la kulmay Ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyaha gobolka Ningxia, ahna xoghayaha guud ee xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei, waxayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wafdiga Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.