Ra’iisul Wasaare Xamza oo QATAR ku bogaadiyay arrin si weyn loogu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay Qatar qaabka ay u marti-gelisay koobka adduunka.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda Qatar sida ay markasta u garab tahay dowladda federaalka Soomaaliya, ugana fuliso mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan aragnaa bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray calanka dalkaas, shacab iyo xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim iyo Shacabka Qatar,” ayuu yiri.

“Mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameeysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada dal iyo labada dad. Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo iyo karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyay in dowladda Qatar ay sii xoojiso iskaashiga labada dal iyo guud ahaan caalamka, gaar ahaan Muslimiinta iyo Carabta, sida uu sheegay.

“Munaasabaddaan waxa aan uga mahad-celinayaa dowladda iyo shacabka Qatar oo aan rajeyneyo inay xoojiyaan iskaashiga, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin.”

Munaasabada lagu maamuusayay maalinta Qarannimada Qatar ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Qatar iyo Soomaaliya.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, halka kuwa kalena ay yihiin qabyo, waxaana la dhameystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.