Madaale oo shaaciyay halis weyn oo ka dhalan karta arrin muddo ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dhibaatada ay leeyihiin kooxaha ciyaal weerada iyo waxa laga filan karo mustaqbalka.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay haddii aan laga hortegin ciyaal weerada ay noqon karaan sida Al-Shabaab oo kale, oo iyagu markay soo bilaabanayeen ahaa sida kooxaha ka abuurmaya Muqdisho.

“Magaaladaan sida la socono Shabaab ayaa ka dhashay 2006-dii iyo wixii ka dambeeyay, waa la fududeystay maanta waakasa dowladii, qabaa’iiladii iyo cidkasta dagaal ayey kula jirtaa waxay ku tuseysa miisaanka iyo dhaqaalaha ay bulshada ka dhex sameeyeen. Maxaa diidaya ciyaal weero inay sidaas noqdaan haddii la fududeysto,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maalinkasta waxaa arkeysa Mobile jooga $200 ama ka yar ayaa lagu leeyahay qof dhan oo bini-aadam ah oo Muslim ah oo Soomaali ah ayaa loo dilaya, qofka Mobile ku dilaya waxa uu ku dhaafayo ma ii sheegi kartaa, waa maya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in kooxaha ciyaal weerada ah ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale, oo xiligaan uu dagaal xoogan uga socdo qeybo badan oo kamid ah dalka.

“Al-Shabaab culeys ayaa looga haya afarta jiho, hoosteena waxaa ka kacay cayayaan yar-yar oo Mindi iyo Baangad wata, markaasa leenahay Weero. Waa in aan iska qabana, haddii aad idinka iska qaban ma cid kale ayaa inaga qabaneysa.”

Kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Banaadir, ayada oo dadka caasimada u geysta dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhac iyo dil.