Weerar culus oo lagu qaaday Farxaan Jimcaale iyo falcelin xooggan oo ka dhalatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar culus oo dhanka baraha bulshada ayaa waxaa lagu qaaday Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo haatan ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena ah agaasimaha warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Farxaan ayaa waxaa weerar culus ku qaaday koox u muuqato mid abaabulan oo isku xiran, waxaana ku jira Wariyeyaal, siyaasiyiin iyo rag kale oo caan ah, kuwaas oo fidiyay dacaayado iyo warar kale oo liddi ku ah agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Xamza Cabdi.

Dadka weeraray waxaa ka mid ah Wariyaha caanka ah ee Cali Aadan Muumin “Waxa uu kula kacay warbaahinta gudaha falal isugu jira faquuq iyo cunsuriyeyn, qaar ka mid ah xarumaha warbaahineed ayaa la wadaagay dareenkooda bulshada, halka in badan oo kalana ka gaabsadeen in ay banaanka soo dhigaan tabashooyinkooda. Intaa waxaa sii dheer, waxa uu ku guul darreystay in uu maamulo howlwadeennadii warbaahinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, isagoo ula dhaqma si aan habbooneyn, waxa uu isku wadi waayay shaqaalaha tirada yar ee jooga xafiiskiisa, maxaa intaas kaweyn oo laga filan karaa oo wax qabad ah?”

Waxaa kale oo ka mid ah dadka eedeeyay Farxaan Jimcaale Bashiir Maxamed oo isna yiri “Farxaan tuug oo fadeexo weyn ay soo wajahday,”.

Cabdirisaaq M. Cabdulle ayaa isaguna soo bandhigay eed ka dhan ah Farxaan Jimcaale “Anigoo ixtiraamaya masuul Farxaan Maxamed Jimcaale masuuliyada uu u haayo Somalida hadane waa in qaladka xoogan ee uu ku dhex jiro laga qabtaa. Xassan-Kafi oo ah wiilka sawirka ka muuqda wuxuu ahaa muuqaal duubaha iyo sawir qaadaha xafiiska RWasaaraha mudo 7 sano, wuxuu la shaqeeyay laba RWasaare ilaa intaasna wax cabasha ah ma jirin, RW Xamsane waa masuulkii sedexaad ee xafiiskaas soo mara intii uu joogay,” ayuu yiri Cabdirisaaq M. Cabdulle.

Dhinaca kale waxaa arrintaan ka falceliyay koox kale oo ay iyaguna ku jiraan Wariyeyaal, Siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaas oo u badan kuwo ku heyb ah Farxaan.

Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa yiri “Inta aan ka warqabo Farhan Jimale waa qof waligiisba ka shaqeynayay meel nidaam leh oo sharcigu shaqeeyo. Hadda waxaa haysta waa dhibaatada dalkeena ragaadisay ee ah kala dambeyn la’aanta. Waxaan dhihi lahaa isku day waxaad baddalikartid inta karaankaaga ah, ogoowna dalkan cid isbaddal sameyn karta ayaa yar oo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha laftooda ayaa qoor sagaaro lagu haystaa oo dad ka awood badan baa jira,” .

Shariif Abuukar Cali ayaa isna ku sifeeyey Farxaan Jimcaale “Shaqo yaqaan halka uu joogo aqoontiisa ku tegay + 35 sano oo khibrad war baahineed ah,”.

Wariye Maxamed Xaraare “Hal iyo dhowr qof haddii aan ku qaddariyo aqoon iyo khibrad saxaafadeed, waxaa safka hore soo galaya Farxaan Jimcaale. Maamul, maareyn, miisaan, karti, dhimrin iyo dulqaad waxa ay ka mid yihiin erayada aan macagiisa ku hoos qori lahaa,”.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble ayaa isaguna yiri “Farxaan Jimcaale looguma dheggana aqoon oo aniga ma garanaayo suxufi shaqeeya waqtigan la joogo oo ka aqoon iyo waaya aragnimo badan ama shaqkhsi uga habboon afhayeenka xukuumadda oo shaqadaa loo idman lahaa, balse waxaa jira qolooyin ka biyo cabid bartay xafiiska r/wasaaraha oo warkoodu yahay “Xawaadle xafiiskaan ma aqoon jirin kamana dhex shaqeyn jirin ee sidee ku yimid?”.