JAYTE oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadibna ka baxay guddigii lagu daray

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiraan, Cali Jayte Cismaan ayaa qaatay tallaabo lama filaan, kadib go’aan culus oo uu maanta qaatay.

Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay xubinimada Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta Ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan, kaas oo horay loogu daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddigan uu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, islamarkaana uu noqday guddiga ay ka dhex jirto habacsanaan baahsan.

“Sidaas daraadeed laga bilaabo 12-12-2022 waxaan cadeynayaa in aan ka baxay Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan,” ayuu yiri Jayte.

Sidoo kale wuxuu go’aankan guddoomiyuhu ku socod siiyay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo markii horeba u magacaabay xubinimada guddigaasi.

Dhanka kale Cali Jayte ayaa xusay in uu halgankiisa sii wadi doono, isla-markaana uu hoggaamin doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si aad ah uga soo muuqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraanm, isaga oo hoggaamiyay dagaallo badan oo Al-Shabaab looga saaray gobolkaasi.